Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Awdal Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin, Taliye Ku-xigeenkiisii gaashaanle Raage Muuse Dirir iyo darwal Boolis dable Maxamed Sugge Muumin ayaa ku dhaawacmay shil gaari ay ku gaaleen deegaan ku yaala Gobolkaas.
Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Saylac kabtan Xasan Cabdisalaan Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhaawacyo culculis ay soo gaareen saraakiisha ciidamada Booliska Somali-land isla markaana aan wakhtigan laga warbixin karin laakiin ay u qaadeen dhanka degmada Saylac xarunta Gobolka Awdal.
“Shilkaa gaari wuu jiraa waxaana ku dhaawacmay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Awdal iyo Taliye ku-xigeenkiisa iyo darawalkoodii waxayna ku jireen taliyeyaasha dhaawacmay iyo Guddoomiyaha gobolkuba kormeer shaqo oo ay ku soo marayeen deegaano badan oo ka tirsan gobolkaas,”ayuu yidhi Gudoomiyaha Saylac.

