Dowladda Turky-ga oo La Wareegtay Xarumihii ay Baneysay Heyadda Nile Academy

0

Dowlada Turky-ga ayaa la wareegtay xarumihii ay baneysay heyadda Nile Academy, oo dowlada soomaliya ay ku amartay in ay dalka ka baxdo kadib markii lagu eedeeyay madaxda maamushada Hay’adda in ay ku lug lahaayeen Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turky-ga ka dhacay bishaan Gudaheeda.

Xarumaha ay la wareegtay Dowlada Turky-ga waxaa kamid ah isbitaalka Deva, dugsiga Nile Academy oo ku yaala dhismihii hore ee Ex-dugsigii farsamada gacanta iyo xarumo kale oo dhamaantood ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Shaqaalihii Xarumahaan ay Dowlada Turky-ga la wareegtay ayaa lagu armay in ay dalka isaga baxaan kadib markii lagu eedeeyay wadaadka maamula Hay’adda Nile Fathulah Gulen in uu ka dambeeyay afgambigiii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay.

Source:-Anadolu Agency

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here