Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Sanadkaan 2016-ka Mudane Dr C/naasir Cabdulle Maxamed ayaa Magaladaa Beledweyne ee Xaruunta Gobalka Hiiraan kulan kula qaatay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble kaasi loo looga hadlayey Arrimo Badan oo ay ka mid Yihiin Marxalada kala Guurka Siyaasadeed iyo Doorashooyinka lagu wado inay dalka ka Qabsoomaan Dabayaaqada Sanadkaan,
Kulanka waxaa sidoo kale diirada lagu saaray Dib u Heshiisiinta Bulshada Gobalka Hiiraan,Maamul usameynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo Qodoba kale kuwaasi oo dhamaantood lays ku Afgartay Sida ay Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen ilo Goob joog ka ahaa kulankaasi.
Mudane Dr-C/naasir Cabdulle oo ah Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxweyninimo Soomaaliya Doorashooyinka Dabayaaqada Sanadkaan ayaa Magaalada Beled-weyne u gaaray in uu ka qayb galo Caleenma saarka Ugaas Xasan oo Maanta lagu Caleema Saarayo Munaasabad Ka dhacaysa Beled-weyne, ee Gobolka Hiiraan.

