Xafladda Caleemo Saarka  Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo Bilaabatay+Sawirro

0

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa haatan ka socota xafladda caleemo saarka  Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Xaflada waxaa ka qeyb galaya Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo xubno ka socda Labada gole ee dowladda Federaalka Somaliya, amaanka Magaalada Beledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay iyo goobta ay xaflada ka socoto.

Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Baledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ay xil weyn iska saareen xaqiijinta amaanka iyo sugida amniga goobta ay xaflada ka socota.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa xilkaan bedalay walaalkiis Ugaas Khaliif oo sanadkan billowgiisa ku geeriyooday magaalada Baladweyne.

1469423885e84ca 14694238800cff2 1469423881024c5 1469423884760b9

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here