Bambo Gacmeed Xalay Lagu Weeraray Hoyga Taliyaha Nabad Sugida Magaalada Baydhabo

0

Ciidamada amaanka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa gacanta kusoo dhigay afar qof oo lala xiriirinaayo in ay ka dambeeyeen bambo gacmeed xalay lagu weeraray hoyga uu Magaalada Baydhabo ka degan tahay Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Magaaladaasi.

Hoyga Taliyaha  Hay’adda Nabad Suggida  Magaalada Aflow oo ku yaala xaafadda Cunaaye, ayaa qaraxaan lagu tuuray xilli la soo sheegaayo in uu ka maqnaa Taliyaha, mana jirto cid la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi.

Bamba kadib ciidamada Amaanka Magaalada Baydhabo ee Nabad Sugida ayaa Howlgal ka sameeyay xaafadaha ka ak dhaw hoyga  Taliyaha waxayna ku soo qabteen afarta nin.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here