Saldhig ay Al-shabaab ku Leeyihiin Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo oo Xalay La Duqeeyay

0

Diyaarad dagaal oo ilaa haatan aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa xalay duqeyn ka fulisay saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Ilaa dhowr gantaal ayaa la sheegay In ay ku dhufutay xerada Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Gantaalahan oo is xig xigay, oo diyaarado ay rideysay ayaa dareen baqdin leh ku beeray dadka deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, walow aan illaa iyo hadda la soo sheegin rayid wax ku noqotay duqayntaasi.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay isku gadaameen xerada waxaa ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray Ciidamada XarakadaAl-shabaab.

Ciidamo ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa sanadkaan Gudihiisa weerar xoogan oo qasaaro badan uu kasoo gaaray Ciidamada Kenya waxa ay ku qaadeen deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo dowlada Kenya ayaa wali soo bandhigin qasaaraha kasoo gaaray weerarkaas iskastoo ciidamada cirka Kenya ay duqeymo la beegsadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku sugnaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here