Wasaaradda Amniga oo Beenisay in ay Cadaadis ku Hayso Siyaasiyiinta Xisbiyada Dalka Ka Jira+Dhageyso

0

Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa Beenisay in ay Hor istaagtay Shirka Magaalada Muqdisho ay Ku yeeshaan Siyaasiyiinta Xisbiyada ee looga hadlayo Aragtida Siyaasada dalka oo Hada meel Xasaasi ah Maraya.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya C/kaamil Shukri Macalin Xirsi oo Shir Jaraa’id ku Qabtay Magaalada Muqdisho ayaa Waxba ka ma jiraan ku tilmaamay wararka Sheegaya In Wasaarada Amnigu  ay Ciidamada Nabad Sugida ku Amartay in ay Hor istaagaan Shirarka Siyaasadeed iyo Kulamada Gaar ka Xisbiyada Siyaasada ee Dalka ka jira.

Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sheegay Muwaadin Walba oo Soomaali ah uu Xaq uleeyahay in uu ka hadlo Maslaxada iyo Masiirka Dalka iyo Dadka Sida uu Qeexayo Dastuurka ku meel gaarka ah Dalka Sidaas Darteed aysan jirin Sabab Dowlada Soomaaliya ay u Hor istaagto Kulamada looga hadlayo Siyaasada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho lugu Qabto

Hadalka Afhayeenka Wasaarada Amniga Qarnka Soomaaliya C/kaamil ayaa imaanaya ayadoo Dhawaan Xubnaha Xisbiyada Siyaasada dalka ay Dowlada ku Eedeeyeen inay ka hor istaagtay Kulamo aa kaga hadli lahaayeen Maraxalada ka Guurka Siyaasadeed ee Sanadkaan iyo Arimaha Doorashooyinka Dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here