Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey oo ku Guuleystay Doorashadii Duqa Degmada Gaalkacyo+Sawirro

0

Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey ayaa ku guuleystay doorashadii duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland  kadib doorasho maanta  ka dhacday Magaaladaas.

Maxamuud yaasiin ayaa ka guulaystay Deeq Maxamud Xaashi kaas oo ay isugu soo hareen wareegii 3aad ee doorashada, Gudoomiyaha Cusub ee Magaalada Gaalkacyo  ayaa helay Codad gaaraya 24 Cod, Halka Deeq Maxamuud xaashi uu helay 7 cod.

Dhanka kale Farxaan Cabdi Gaafaa, ayaa isna ku guuleystay Gudoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland   kadib markii ay tartameen Cabdifitaax Xasan Xuseen Waloore.

Isla  maanta ayaa lagu dhaariyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka qeyb galay Doorashada Duqa Degmada Gaalkacyo.

1469263151ea889 9-13 146926317271e9b 1469263162125f4 14692631565551d 1469263165b7fb4 14692631605a9e6 1469263169ab7c9 1469263167ce45f

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here