Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey ayaa ku guuleystay doorashadii duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland kadib doorasho maanta ka dhacday Magaaladaas.
Maxamuud yaasiin ayaa ka guulaystay Deeq Maxamud Xaashi kaas oo ay isugu soo hareen wareegii 3aad ee doorashada, Gudoomiyaha Cusub ee Magaalada Gaalkacyo ayaa helay Codad gaaraya 24 Cod, Halka Deeq Maxamuud xaashi uu helay 7 cod.
Dhanka kale Farxaan Cabdi Gaafaa, ayaa isna ku guuleystay Gudoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland kadib markii ay tartameen Cabdifitaax Xasan Xuseen Waloore.
Isla maanta ayaa lagu dhaariyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka qeyb galay Doorashada Duqa Degmada Gaalkacyo.










