Kooxda Sunderland ee Horyaalka dalka Ingitiiska ayaa ku dhawaaqday macalinkeeda Cusub kaasi oo noqon doona macalinkii hore ee kooxda Evertoon David Moyes.
David Moyes ayaa shaqada ka badali doona macalin Sam Allardyce oo shalay loo magacaabay shaqada xulka dalka England.
Moyes ayaa 4-sano u saxiixay kooxda Sunderland kadib markii laga ceyriyay shaqada kooxda Manchester United bishii April 2014.

