Kulan looga hadlaayey Sidii loo Qaadi lahaa Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka Soo qeyb galeen Maamulka Gobalka Bakool ,Kan Degmada Xudur Saraakiisha Ciidamada Itoobiya,iyo Dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool.
Kulankaan Intii uu Socday ayaa Saraakiisha Ciidamada Itooobiya, Kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Bakool waxa ay si Qoto Dheer ay uga doodeen Qaabka ugu Fudud ee loo qaadi karo Duulaan balaaran oo Al-shabaab looga saarayo Deegaanada ay kaga Harsan yihin Gobalkaasi.
Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Xudur ee Gobalka Bakool Aadan Cabdi Maxamed oo kulanka kadib la hadalay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in kulankaasi uu ahaa Mid Muhiim ah islamarkaana looga Dooday Adkeynta Amaanka, Dib u Dajinta Dadka ka soo barakacay Deegaanada ay Dagaaladu ku Dhex-mareen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Al-shabaab iyo sidii Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab uga saari la haayeen Deegaanada hada ay kaga harsan yihiin Gobalka Bakool .

