Puntland iyo Hiiraan, Shabeellaha Dhexe  oo Galabta Kuwada Ciyaara Garoonka Banaadir

0

Ciyaar aad u xiiso badan oo u dhaxeysa Kooxaha ku kala ciyaara Magacyada  Puntland iyo Hiiraan,shabeellaha Dhexe ayaa  galabta ka dhacaysa Garoonka Banaadir Stadium ee degmada C/casiis ee Gobolka banaadir.

Kulankii shalay oo ahaa mid Semafinal ah waxaa iska Hor yimid kooxaha Banaadir oo martigaliyaasha ahaa iyo Jubba-land labada qeyb ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0:0, taasina waxay keentay in ciyaarta labada naadi lagu kala saaro rigoorooyin ama goolkulaad 8:7 waxaa ku adkaadtay kooxdi ku ciyaareysay magaca Jubba-land oo iska xaadiray finalka Cup-ka Maamul Goboleedka dalka ka jira.

Ciyaarta galabta u dhaxeysa kooxaha Hiiraan/shabeelaha Dhexe iyo Puntland ayaa ayadana ah mid aad u xiiso badan labada naadi ayaa soo kala gaaray guulo la taaban karo macalimiinta labada naadi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay rajeynayaan  guul.

Kooxdii Galabta badisa waxay finalka la ciyaareysaa kooxda Jubba-land oo shalay reebtay Banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here