Prof- Daqare ”Dowladaha Turkiga Iyo Soomaaliya Waa Inay Tilaabo Adag Ka Qaadaan Qunsulka Magaada Hargeysa Jooga

0

Aqoon yahan Prof-Cabdiraxmaan Cabdulaahi  Daqare oo u Waramay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Wax  laga Xumaado ku tilmaamay Hadal ka soo baxay Qunsulka Safaarada Turkiga ee Soomaaliya u Fadhiya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land  kaasi oo Sheegay in Dowlada Turky-ga ay Aqoonsatay Baasaboorka Maamulka Soomaaliland.

Prof-Daqare ayaa Sheegay in hadalka Qunsulka oo yahay Mid halis ku ah Midnimada Umada Soomaaliyeed oo uu Xusay inay Muqadas tahay waxaa uuna intaa hadalkiisa u sii daray In Dowlada looga baahan yahay inay Raali galin Buuxda ay ka bixiso Warka kasoo yeeray Qunsulka Safaarada Turkiga ee Magaalada Hargeysa.

“Dowlada Soomaaliya waxaa looga Baahan yahay inay deg deg u Sameyso Ficil Muuqda ayna ka hadasho warka kasoo yeeray Qunsulka Safaarada Turkiga ee Soomaaliya u Fadhiya Magaalada Hargeysa hadalkaasi oo ahaa mid walwal badan ku abuuray umada Soomaaliyeed ee Midnimada Jecel kuna Nool Gobalada Waqooyi iyo kuwa Koofurta Soomaaliya, Dowlada iyo Shacabka Dalka Turkiga waxaan nahay Walaalo iskugu gurmada Marxalada walba oo timaado, Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka damqadeen isku daygii Afganbigii Fashilmay ee ka dhacay Dalka Turkiga aygoona taageeray Qaranimada Turkiga Sidaas Darteed Waa in Dowlada Turkiga ay Tilaabo adag ka qaadaa Qunsulkii hadalkaas yiri” Ayuu Yiri Prof-Cabdiraxmaan Cabdulaah Daqare

Qunsulka Safaarada Dalka Turkiga ee Soomaaliya ufadhiya Magaalada Hargeysa ayaa Sheegay in Dowladiisu ay Aqoonsan tahay Baasboorka Maamulka Soomaaliland kaasi oo si weyn looga dareemay hadal  heyntiisa Guud ahaan Dhulka Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here