Wakiilka xidiga qadka dhexe ee kooxda Juventus ee Horyaalka dalka talyaaniga Paul Pogba Mino Raiola, ayaa beeniyay in uu xidiga ku biiray kooxda Manchester United ,
Majaladaha ugu afka dheer dalka Ingiriiska ayaa maanta baahiyay in xidiga Paul Pogba uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Manchester United oo sanadkii 2010-kii uu kasoo dhaqaaqay.
Mino Raiola ayaa tilmaamay in uusan xiligaan jirin heshiis dhexmaray Labada Koox.

