Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa aaminsan in macalin Sam Allardyce uu yahay qofka saxda ah ee Hogaamin kara Shaqada xulka Three Lions isagoo u rajeeyay in uu soo gaba-gabeeyay koobab la’aanta haysata Xulka.
FA-Ga dalka Ingiriiska ayaa shalay ku dhawaaqay in macalinkii Sunderland Allardyce u shaqada ka badalay Macalin Roy Hodgson, macalin Jose Morinho uu warbaahinta kula hadlay dalka Chine ka Hor kulanka International Champions Cup, ayuu sheegay in Sam Allardyce yahay shaqsi wanaagsan oo lala fiirsaday shaqada xulka Three Lion.

