Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa Ninka maalqabeynka ah ee Donald Trump u doortay inuu noqdo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas, u matalaya doorashada dalkaas ka dhici doonto Bisha November.
Shirweynihii Xisbiga kaga socday Maalmihii dambe Magaalada Claveland ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka , ayaa kalsooni buuxda lagu siiyay Mr Donald Trump inuu noqdo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.
Kadib markii loo doortay Mr Donald Trump in uu Noqdo Musharax xisbiga Jamhuuriga waxa uu yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay sida kalsoonida leh ee aad iigu doorateen inaan noqdo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, waan soo dhaweynayaa kalsoonidiina, weyna isii kalsooni gelinaysaa.”

