Dowlada Masar ayaa Dowlada Soomaliya ku wareejisay deeq iskugu jirta gadiid nooca dagaalka iyo saanad kale oo ciidan oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta kamaandooska ee Danab.
Munaasabada lagu wareejinaayay qalabka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashandhigga ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya janeraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo wahlinayay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed, iyo safiirka dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya.
Ugu Horeyntii Danjiraha dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya Mowliid Ismaaciil oo munaasada ka Hadlay ayaa sheegay in Masar ay qalabkaan ugu talagashay in loogu qeyb qaato dib u dhiska Ciidamada Xogga dalka soomaliyeed.
Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashandhigga ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya janeraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo munaasabad ka hadlay ayaa dowlada Masar kaga Mahadceliyay sida ay marwalba u garab taagan tahay dowlada Soomaliya.









