Wararka ka imaanaya degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti ay degmadaas ku dileen askari ka Tirsanaa Ciidamada Malatariga dowlada soomaliya.
Dilka askarigan ayaa lagu soo waramayaa in uu kusoo beegmay kadib markii maalin kahor uu muran soo kala dhexgalay Askarta dil geysatay iyo isaga taasina ay keentay in maanta ay ku dileen Gudaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada jabuuti ee askariga toogtay ayaa ayaa sidoo kale la sheegay in rasaas ku fureen Xaafadaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan taasi oo la sheegay in ay geysatay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Maamulka degmada jalalaqsi oo aan qadka Taleefanka kula xiriinay ayaa arintaan ka gaabsaday in faahfaahin dheeri ah ay ka bixiyaan balse warar ay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho heshay ayaa ku waramaya in ay jiraan dadaalo lagu xalinaayo khilaaf ka dhashay dilka askariga ka Tirsanaa ciidamada Xogga dalka soomaliyeed.
Dhanka kale dibadbax loogu soo horjeedo dilka askariga ayaa ka socda degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

