Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo Lagu Wareejiyay Qalab Ciidan+Sawirro

0

Dowlada Masar ayaa Dowlada Soomaliya ku wareejisay deeq iskugu jirta gadiid nooca dagaalka iyo saanad kale oo ciidan oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta kamaandooska ee Danab.

Munaasabada lagu wareejinaayay qalabka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashandhigga ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya janeraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo wahlinayay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed, iyo  safiirka dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya.

Ugu Horeyntii Danjiraha dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya Mowliid Ismaaciil oo munaasada ka Hadlay ayaa sheegay in Masar ay qalabkaan ugu talagashay in loogu qeyb qaato dib u dhiska Ciidamada Xogga dalka soomaliyeed.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashandhigga ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya janeraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo munaasabad ka hadlay ayaa dowlada Masar kaga Mahadceliyay sida ay marwalba u garab taagan tahay dowlada Soomaliya.

14689254206e5e3 14689254258d52c 14689254276ead0 146892541573ea0 146892542203f0c 146892542366a28 14689254211169b 146892541635264 146892541763504

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here