Bangiga aduunka iyo dowlada soomaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis 5-sano kasoo Bankiga aduunka uu bixin doono lacago dhan 144-Milyan oo lagu bixin doono Musharaadka shaqaalaha dowlada dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka xiligaan ka Jira
Heshiiska ayaa waxaa dowlada soomaliya u Saxiixay wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti),iyadoo dhanka Bangiga aduunkana ay u saxiixday Haweeneyda Mss Bella Bird oo bangiga aduunka u qaabilsan Soomaaliya.
Goobta uu heshiiska uu ka dhacay waxaa sidoo kale ku suganaa qaar kamid Mas’uuliyiinta Maamul Goboleedyada u qaabilsan dhanka Maaliyada sida maamulada Puntland iyo Galmudug
Sidoo kale waxaa heshiiskaan wada saxiixay qaar kamid ah wadamada Deeq Bixiyaasha sida dowlada wadanka Talyaaniga iyo Midowga yurub waxaana u saxiixay safiiradooda soomaliya u qaabilsan
Wasiirka Maaliyadda dowlada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) oo saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in uu heshiikaan wax badan ay ka faaidi doonto dowlada soomaliya dhanka Maaliyada iyo bixinta Musharaadka shaqaalaha dowlada
Daawo Sawirada








































