War Deg Deg: Dagaallo Ka Dhacay Maanta Duleedka Magaalada Kismaayo.

0

Daagaalkan oo qaatay muddo Saacado ah ayaa yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka jubba ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda ee ku Sugan Deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubada Hoose

Waxaana intaa kadib biloowday Dagaal foolka ka fool ah oo u dhaxeeya labada Dhinac dagaalka oo ka dhacay Deegaanka Sabca casharaad iyo deegaanno kale oo u dhaw Deegaanka Goobweyn ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday askar kor u dhaafaya 9 oo isugu jira dhinacyada halkaa ku dagaalamay.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku Sugan Deegaanka Goobweyn ayaa Faahfaahin kabixiyey weerarkaasi oo ay sheegeen in masuuliyadiisa ay qaadanayaan Ciidamada Kenya iyo Kuwa Maamulka Jubbaland oo ay sheegeen in iyagu weeraka ay Soo qaadeen.

C/rashiid Macalin gaas oo ah ninka hadalka u qaabilsan Ciidanka Dowladda ee Goobweyn ayaa u sheegay idaacadda Simba in Dagaalka lagusoo qaaday islamarkaana iyagoo isdifaacaya Ciidanka Maamulka Jubba ay ka dileen in kabadan 8 askari Sida uu hadalka u dhigay dhawac intaa kabadanna ay gaarsiiyeen waxaa ku faannay dhankooda inuu ka geeriyooday 1 askari mid kale uu ka dhaawacmay deegaankii lagu dagaalmayna ay hadda gacanta ku hayaan siduu hadalka u dhigay.

Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaanan Wali wax Faahfaahina ka bixin dagaalkan Xiriiro kala duwan oo aan dhawr mar lasamaynayna kama aysan jawaabin wicitaankeenna balse wixii kasoo kordha dib ayaan idin kaga soo gudbin doonna insha allah.

Halkaan ka Dhageyso wareysi ku Saabsan Dagaalka Maanta dhacay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here