Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo Heshiis kuwada Gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya + Sawiro

0

Bangiga aduunka iyo dowlada soomaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis 5-sano kasoo  Bankiga aduunka uu bixin doono lacago dhan 144-Milyan oo lagu bixin doono Musharaadka shaqaalaha dowlada dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka xiligaan ka Jira

Heshiiska ayaa waxaa dowlada soomaliya u  Saxiixay wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti),iyadoo dhanka Bangiga aduunkana ay u saxiixday Haweeneyda Mss Bella Bird oo bangiga aduunka u qaabilsan Soomaaliya.

Goobta uu heshiiska uu ka dhacay waxaa sidoo kale ku suganaa qaar kamid Mas’uuliyiinta Maamul Goboleedyada u qaabilsan dhanka Maaliyada sida maamulada Puntland iyo Galmudug

Sidoo kale waxaa heshiiskaan wada saxiixay qaar kamid ah wadamada Deeq Bixiyaasha sida dowlada wadanka Talyaaniga iyo Midowga yurub waxaana u saxiixay safiiradooda soomaliya u qaabilsan

Wasiirka Maaliyadda dowlada  Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) oo saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in uu heshiikaan wax badan ay ka faaidi doonto dowlada soomaliya dhanka Maaliyada iyo bixinta Musharaadka shaqaalaha dowlada

Daawo Sawirada

IMG_0010 IMG_0012 IMG_0014 IMG_0016 IMG_0017 IMG_0019 IMG_0021 IMG_0023 IMG_0024 IMG_0025 IMG_0027 IMG_0029 IMG_0030 IMG_0031 IMG_0032 IMG_0035 IMG_0036 IMG_0038 IMG_0042 IMG_0044 IMG_0047 IMG_0048 IMG_0049 IMG_0050 IMG_0052 IMG_0055 IMG_0056 IMG_0058 IMG_0061 IMG_0063 IMG_0064 IMG_0066 IMG_0067 IMG_0068 IMG_0070 IMG_0074 IMG_0078 IMG_0079 IMG_0081

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here