War Deg Deg: Gaari looga Shakiyey inay ku jiraan Walxaha Qarxa oo lagu arkay Degmada Hodan.

0

War hadda nagasoo gaaray Degmada Hodan Gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in maanta halkaasi lagu arkay gaari dadka deegaanku ay uga shakiyeen inuu wado walxaha qarxa oo lagu baakimay afaafka hore ee isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo ah nuuca raaxda ayaa la sheegay in muddo saacado ah uu yaalay goobta ilaa haddana uu yaallo durbaba goobta ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya Booliska Degmada Hodan.

Iyadoona guud ahaanna goobtaasi ay xireen Ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya oo halkaa gaarayn dadka iyo gaadiidka ayaana laga celinayaa goobtaasi.

Wixii kasoo Kordha Dib kalasoco insha allah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here