Waabarigii Saaka Ciidamo Ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa waxay gudaha u galeen Deegaanka Cammaara oo ka mida Deegaanada hoos yimaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug.
Deegaanka Cammaara oo ay horay u maamulijireen Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa la sheegay inaysan ku sugneyn wax Maamul ah xilligii shabaabku ay la wareegayeen Deegaankaasi islamarkaana ay si nabad ah oo Dagaal la’aana ay ku galeen.
Hadda Wararka inagoosoo gaaray Cammaara oo ka tirsan Gobolka Mudug ee bartamaha Dalka Soomaaliya waxay ku Waramayaan in Al-shabaab ay hadda Bandaw kusoo rogeen Deegaankaasi iyadoona illaa iyo hadda aan la garan ujeedka ay kaleeyihiin Ciidanka Xarakada Al-shabaab Bandowgaasi.
Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanka Cammaara ayaa lagusoo waramayaa inay kulan la leeyihiin Al-shabaab,waloow aaan wax Faah-faahina oo intaa ka baxsan aan laga hayn waxa uu kulanku ku saabsanyahay mid ka mida dadka Deegaankaasi ku nool ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho uga Waramay xaaladda Deegaankaasi Sida ay hadda tahay.
Hoos Ka Dhageyso Codka
