Ciidamada Ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa Maanta howlgal bilowday Waabarigii aaka Waxaa ay ka Wadaaan Gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hose
Howlgalka ayaa ka socoda Dhammaanba Xaafadaha Magaalada Kismaayo iyo Waddooyinka Waaweyn ee Magaalada Waxaana gaadiidka iyo Dadweynaha Si aada u baaraya Ciidamo Hubeysan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Waxaana Wariyaha Idaacadda Simba ugasoo Warama Magaalada Kismaayo uusoo Sheegayaa in Howlgalku uu yahay Mid baaxad leh oo ay wadaan dhammaanba Ciidamada kala duwan ee Maamulka jubba Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Maamulka Jubba ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan howlgalkaan balse waxaa uu imaanayaa howlgalku xilli mudooyinkii dambe ay falal amni darro ay ka dhacayeen Magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee Maamulka uu ka arimiyo.

