Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mida Xildhibanada Baarlamaanka Soomaliya Sidoo kalena ah Gudoomiye Ku xigeenka Gudiga arimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Markii ugu horeysay Ka hadlay arinta ku aaddan Warbixin ay soo sartay Kooxda Monitering Group oo ay ku sheegtay in xiliggan guud ahanba hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya uu hareeyey Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.
Proff.Dalxa oo Wareysi gaara siiyey Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa uu Ku tilmaamay Warka kasoo baxay Kooxda Monitering Group midan sal iyo raad toona lahayn islamarkaana ay kooxdaasi ka been abuurayso Dowladd iyo Shacabka Soomaaliyeedba.
Waxaa uu Sheegay in haddii uu jiro wax la musuqmaasuqay ay musuqmaasuqeen hay’adaha gargaarka iyo ururada daneeya arimaha Soomaaliya ayna ku jirto Monitering Group oo uu sheegay inay lunsadaan Deeqaha loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed islamarkaana aysan jirin cid la xisaabtanta.
Dhinaca kale isagoo sii hadlaya maxamed Cumar Dalxa gudoomiyaha gudiga arimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu sheegay in Monitering Group ay iska indhatirayso Wadamada iyo hay’adaha xaalufinta ku haya qeyraadka dalka islamarkaana suntan iyo qashinka ku shubaya heebaha Soomaaliya, Waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inaysan dhag jalaq u siinin hadalkaasi.

