Deg:Deg:- Dhageyso:-Meydadka dad rayid ah oo saaka lagu arkay Magaalada Gaalkacyo.

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug ayaa saake lagu arkay meydadka laba ruux oo la sheegay in jirkooda uu ka muuqday Rasaas fara badan.

Dadka Gaalkacyo ayaa saake ku kala indha qaaday meydadka labadaani ruux oo aanan si rasmi ah loo cadeynin waxa ay ahaayeen labadaani ruux iyo cida ka dambeyso dilkooda.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulada Galmudug iyo Puntland oo xad ahaan wadaagaan goobtaani lagu arkay meydadka labo ruux oo aanan ilaa iyo hadda la cadeynin waxa ay ahaayeen.

Dhageyso:- Wariye Sayid Cali Nuur Cabdi (Taatiko) oo idaacadda Simba ugu soo hadlo G/Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here