Dhageyso:-Baadigoobka Kooxo Dil iyo Dhaawac Ka Geystay Magaalada Gaalkacyo oo Kasocda Magaaladaasi.

0

Xilli Xalay Kooxo hubeysan ay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ay dil iyo dhaawac ugu geysteen Dad rayida ayaa maanta waxaa ciidamada Ammaanka ee maamulka galmudug ay kawadaan Magaaladaasi howlgal ay ku raadinayaan kooxihii falkaasi geystay.

Dadka la dilay ayaa ahaa dad rayida oo ka mid ahaa dadka ku nool Gaalkacyo,waxaana kooxahaasi ay dileen hal ruux oo lasheegay inuu ka yimid magaalada muqdisho iyagoona sidoo kale dhaawacay ruux kale oo isna la xaqiijiyey inuu ka mid ahaa ndadka magaaladaasi ku nool.

Ilaa hadda lam oga sababha keenay dilka iyo dhaawacan ay geysteen kooxahan hubeysan waxaana hadda ruuxii dhaawaca ahaa xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee koonfurta Gaalkacyo.

Taliyaha Qeybta Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Cali ayaa u sheegay Radio Simba inay ku raadjoogaan kooxihii falka geystay markay gacanta kusoo dhigaanna ay sharciga la tiigsandoonaan isagoona ka codsaday shacabka Magaaladaasi ku nool inay ku gacansiiyaan soo qabashada dambiilayasha falkaasi geysatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here