Kulan looga Hadlay qeybsiga qeyraadka dalka oo muqdisho ka dhacay.

0

Kulan Maanta dhaxmaray Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mida Maamulgoboleedyada Dalka ayaa ahaa mid looga hadlaayo qaabka dowladda iyo Maamul goboleedyada Dalka ka jira ee hoostaga Dowladda Soomaaliya ay u kala qeybsan lahaayeen Qeyraadka Dalka.

Wasiirka Macdanta iyo Badroolka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Muqtaar Ibraahim oo ka hadlay Muhiimadda Kulanka Maanta ayaa sheegay in sababta qabashada kulanka ka dambeysa ay tahay sidii dhammaanba ummadda Soomaaliyeed ay isugu afgaranlahaayeen qeyraadka Dalkooda Ku jira.

Wasiirka ayaa sheegay in arintaan ay ka dhalanyso Isfahan u dhexeeya dowladda iyo maamulgoboleedyda dalka ka jira isagoona intaa raaciyey in meesha ay ka baxayaan shisheeyaha guranaya qeyraadka Daklka ku jira.

Dhinaca kale qaar ka mida Wakiilada Kasocda Maamul goboleedyada Dalka ka jira oo iyana halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweynayaan heshiiskaan hor dhaca ah ee maanta lawada gaaray.

151021_005

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here