Xarunta gobolka Jubada hoose ee Kismaayo Maanta Waxaa tagay Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo ka kala yimid Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairoobi Waxaana ay halkaa u tageen sida ay sheegeen u kuur galidda Xaaladda Nololeed ee ka jirta deegaanada Gobolada Jubbooyinka.
Xildhibaanada ayaa ugu horeyn Maamnta waxaa ay booqdeen Xarunta uu ku shaqeeyo isbitaalka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose oo hadda ay ka jirto baahi dhanka dawada iyo qalabka ah.
Xildhibaanada ayaa madaxda isbitaalka ku Wareejiyey agab caafimaad oo wax looga qabanaya baahida dadka bukaanka ah ee ku jira ibtitaalka magaalada kismaayo oo bukaanno badan looga keeno deganada gobolda jubbooyinka iyo gobolka Gedo.
waxaana qalabkaan Manta lagu Wareejiyey isbitaalka Magaalada Kismaayo uu waxbadan ka badalidoona Baahida dhanka caafimaadka ah ee ka jirta Magaalada kismaayo gaar ahaan isbitalka guud ee magaaladaasi.

