Wasaaradda arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta Seminar lagu Baranayo Maamul Wanaagga Waxaa ay Maanta Magaalada Muqdisho uga Furtay Wasiirro miyo Xildhibaanno ka tirsan Maamulka galmudug State.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C.rashiid Maxamed Xidig oo Warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ay Maamulka galmudug ka saacidayso dhinaca dhismaha iyo hormarinta Maamulada degmooyinka.
Waxaa uu sheegay xiddig in deegaanadii ugu dambeeyey ee ciidanka galmudug ay kala wareegaan al-shabaab ayuu sheegay inay dhawaan ka hirgalindoonaan Maamul dadku ay ku qanacsanyihiin raalina ay ka yihiin.
Waxaa uu ugu baaqay Xubnaha Ka tirsan ee Maamulka Galmudug ee ka qeybgalay Seminarka Maanta inay ka hirgaliyaan deegaanada Maamulkaasi casharada la xiriira Maamul wanaagga ee maanta ay barteen.

