Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud iyo Wafdi ay ku jiraan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu hogaaminaayo madaxweynaha ayaa maanta booqday xarunta jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee Magaalada muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha Waxaa ka Mida Wasiiradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Marwo Qadro Bashiir Cali iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku Sugnaa xarunta Jaamacadda Umadda waxaa uu kula kulmay Madaxda Jaamacadda iyo Sidoo kale ardayda wax ka barata Jaamacaddaasi.
Xasan sheikh Maxamuud ayaa sidoo Kale waxaa uu u ballanqaaday ardayda jaamacadda dhigata Jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho in Dowladdu dhawan ay ballaarinayso Jaamacadda isagoona ku dhiiri galiyey inay waxbarashada sii wataan.










































