Doontaan oo ah nuuca kaluumaysiga ayaa la xaqiijiyey in la la’yahay muddo dhawr Maalin ah islamarkaana aan la ogeyn halka ay cirib iyo jaan ay dhigtay,
Dadka ehelka la ah dhallinyarada wadatay Doonta ayaa u sheegay idaacadda Simba ee muqdisho in dadkaasi ay ahaayeen dad kalluumaysato ah oo ka jillaabta xeebaha gobolkan Banaadir.
Aabaha Dhalay Mid ka mida dhallinyarada maqan oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in wiilkiisu uu ka maqanyahay muddo dhawr maalin ah islamarkaana uusan garanayn halkuu aaday ayna ugu wardambaysay isagoo kalluumaysi xeebta u aady.

