Dagaalkii Magaalada Marka oo Heshiis Laga Gaaray

0
Lower Shabelle Governor, Ibrahim Adan Ali, speaks during a meeting between the AMISOM Political Office and the Interior and Local Government Minister of the Interim South West Administration (ISWA), Abdirahman Ibrahim Aden, the Lower Shabelle Governor, Ibrahim Adan Ali, and elders in Mogadishu, Somalia, on March 1, 2016. AMISOM Photo/ Omar Abdisalan

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in heshiis ay wada gaareen labadii maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamay Magaaladaas.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Mudane Ibrahim Aadan Cali(Najax) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta heshiis rasmi ah laga gaaray dagaalkii  dhawaan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeeelaha Hoose ku dhaxmaray labada Maleeshiyo beeleed.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa

1-Xabad joojin

2-In shacabka isdhexgali karo dhinacba dhinac kale.

3-in magac qabiil la isku adeegsan iydoo colaad lagu hurinayo.

4-Amisom iyo Ciidamada qalabka sida ee Somaliya inay ilaaliyaan in dhinacyada is-haysta mid waliba halka ay joogto soo dhaafin

Qodobada lagu heshiiyay waxaa sidoo kale kamid ah in ciidamada labada Meleeshiyo beeleed  maalinta bari la kala qaado si uusan marka dagaal ugu dhicin Magaalada Marka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here