Warar lagu Kalsoonaan karo uu helayo Warqabadka Warbaahinta Simba ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug State C/kariin Xuseen Guuleed uu Xil ka qaadis ku Sameeyay Wasiirkii ugu horeeysay ee Maamulka Gal-Mudug.
Madaxweyne Guuleed Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Ayaa Xilkii ka qaaday Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamulkaasi Maxamed Cilmi Afrax.
Warqada Xil Ka Qaadista Ayaa Maanta la sheegay In Ay ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Lama Shaacin Sababta Xilka Looga Qaaday Wasiirkii Qorsheeynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Ee Maamulka Gal-Mudug.
Majiro Wax War Ah oo ilaa iyo iminka ka soo Baxay Wasiirka Xilka laga qaaday Ee Maamulka Gal-Mudug Gaar Ahaan Wasiirkii Qorsheeynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ee Maamulka Gal-Mudug.
Waa Wasiirkii ugu horeeysay oo uu Xil ka qaadis ku sameeyo Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug C/kariin Xuseen Guuleed.

