
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in heshiis ay wada gaareen labadii maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamay Magaaladaas.
Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Mudane Ibrahim Aadan Cali(Najax) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta heshiis rasmi ah laga gaaray dagaalkii dhawaan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeeelaha Hoose ku dhaxmaray labada Maleeshiyo beeleed.
Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa
1-Xabad joojin
2-In shacabka isdhexgali karo dhinacba dhinac kale.
3-in magac qabiil la isku adeegsan iydoo colaad lagu hurinayo.
4-Amisom iyo Ciidamada qalabka sida ee Somaliya inay ilaaliyaan in dhinacyada is-haysta mid waliba halka ay joogto soo dhaafin
Qodobada lagu heshiiyay waxaa sidoo kale kamid ah in ciidamada labada Meleeshiyo beeleed maalinta bari la kala qaado si uusan marka dagaal ugu dhicin Magaalada Marka.
