Guddoonka Sare ee Baarlamanka Soomaliya oo Xal ka Gaaray Mooshin Laga Keenay Shirka Jowhar ka Furan

0

Guddoonka sare ee Baarlamanka Soomaliya ayaa xal ka gaaray mooshin la xiriira in dib loo dhigo shirka maamul u smaynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, oo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ka Furan.

Guddoonka barlamaanka dalka  ayaa xal ka gaaray moshinkaasi  kadib wada hadalo kale duwan oo uu la yeeshay  Xildhibanaada keenay soo jeedinta iyo kuwa ka soo horjeeday  Mooshinka.

Guddoonka Baarlamanka Soomaliya ayaa soo saaray qodobo  ka koobnaa 5 waxaana kamid ahaa in  Xukumadda Federalka iyo Xildhibanada ka soo kala jeeda labada gobol  la ogeysiinayo in ay iska kaashadaan  xaalinta tabashooyinka ka dhex jira odoyaasha dhaqanka iyo  bulshada,  kuna dhameeyaan mudo 45 cisho ah .

Guddoomiye ku xigeenka  labaad ee golaha shacabka  Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayey kulankii  maanta ee barlamankaa Soomaliya  ayaa golaha  Shacabka ka hor akhriyey qobada lagu dhameeyey  moshinkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here