Kooxda Stoke City ayaa xaqiijiyay in Muddo badan uu Garoomada ka Maqnaan doono xidiga Ibrahim Afellay kadib dhaawac soo gaaray intuu sameenayay tababarka kooxda maalintii jimcaha.
Xidiga heerka caalami ee xulka Holland Ibrahim Afellay ayaa kooxda Stoke City ee Horyaalka dalka Ingiriiska kaga Yimid kooxda Barcelona ee Horyaalka daka Spain bishii July ee sanadkii 2015-kii.
Macalinka kooxda Stoke Mark Hughes ayaa Bartiisa Twitterka kusoo qoray in dhamaan ciyaartooda iyo Tageerayaasha ay ka naxeen dhaawaca oo gaaray xidiga Ibrahim Afellay oo qadka dhexe ka ciyaara.

