Guddoonka sare ee Baarlamanka Soomaliya ayaa xal ka gaaray mooshin la xiriira in dib loo dhigo shirka maamul u smaynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, oo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ka Furan.
Guddoonka barlamaanka dalka ayaa xal ka gaaray moshinkaasi kadib wada hadalo kale duwan oo uu la yeeshay Xildhibanaada keenay soo jeedinta iyo kuwa ka soo horjeeday Mooshinka.
Guddoonka Baarlamanka Soomaliya ayaa soo saaray qodobo ka koobnaa 5 waxaana kamid ahaa in Xukumadda Federalka iyo Xildhibanada ka soo kala jeeda labada gobol la ogeysiinayo in ay iska kaashadaan xaalinta tabashooyinka ka dhex jira odoyaasha dhaqanka iyo bulshada, kuna dhameeyaan mudo 45 cisho ah .
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayey kulankii maanta ee barlamankaa Soomaliya ayaa golaha Shacabka ka hor akhriyey qobada lagu dhameeyey moshinkaasi.

