Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee maamulka Somali-land ayaa sheegaya in Booyad shidaal oo mareysay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera ay maanta dhalinyaro rasaas la dhaceen
gudoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo warbaahinta la Hadlay ayaa xaqiijiyay in dhalinyaro Hubeysan ay rasaas ku Fureen Booyad shidaal oo maanta Mareysay wadada u dhaxaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera
Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Saaxil uu Garanayo dhalinyarada Rasaasta ku Furta gadiidka ayna Boolis ka Yimaaday Magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa in Haatan La geeyay Halka ay rasaasta ka dhacday Maanta
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadweynaha Magaalada Berbera ay kasoo Horjeedaan sida uu Maamulka Gobolka saaxil ugu wareejiyay Haamaha shidaal shirkado caalami ah Taasina oo keentay in Rasaas ay wadooyinka ku Furaan dhalinyarada Magaalada Berbera ee Gobolka saaxil

