Dowlada imaaratka Carabta ayaa wafdi u soo dirtay soomaaliya kuwaasi oo booqday xerooyin ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ku yaalo magaalada muqdisho.
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya Mohammed Hamdan Al Zari oo ah madaxa hay-ada gargaarka ee dalka imaaratka ee loo yaqaan SCI.
Waxaa ay booqdeen dhoor xarumood oo kuwa Barakacayaasha ah oo ku yaalo magaalada muqdisho iyagoona la kulmay 1,500 oo qoys .
Wafdigaan ayaa sheegay in maalmaha dhaw ay deeq gargaar u qeybin doonaan qoysaskaasi ay la kulmeen ee ku jira xarumaha barakacayaasha ee muqdisho.
Imaaratka ayaa waxaa uu ka mid yahay deeq bixiyaasha caalamiga ah ee taageera soomaaliya.

