Labo dhul Gariir oo qasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ku dhuftay Magaalada Kumamoto Koonfur dalka japan ee qaarada asia.
In ka badan 19-qof ayaa ku dhimatay Labada dhul gariir ee ku dhuftay magaalada Kumamoto ee dalka Japan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 1,500 qof, kuwaa oo hada lagu daweenayo goobaha caafimaadka Magaalada Kumamoto ee dalka Japan.
Labada dhul Gariir ee ku dhuftay magaalada Kumamoto ee dalka Japan , ayaa cabiradooda lagu qiyaasay 7.1 , cibirka dhulka Gariirada wuxayna labada dhul gariir ay bur buriyeen qeybo badan oo magaalada kamid ah, waxaana sidoo kale go’ay dhulal iyo wadooyinkii muhiin ahaa
Warbaahinta dalka Japan ayaa si weyn u hadal haysa labada dhul gariir ee ku dhuftay Magaalada Kumamoto ee Koonfur dalka japan.














