Maxkamad ku Taala Mombasa oo Xukun Dil ah ku Riddey Ninkii lagu eedeeyay Dilka Sheekh Max’ed idiris

0

Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xukun dil ah waxa ay ku riddey Maxamed Suudi Maxamed, oo lagu eedeeyay dilka sheikh caan ka ahaa Gudaha Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Maxa’med Suudi Maxa’med, ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Sheekh Max’ed idiris oo la dilay Bishii June 2014kii,xilli uu ku sii jeeday Masaajid ku yaala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya sida uu maxkamada ka cadeeyay Garsooraha Maxkamadda Martin Muya.

Labadii Xabadood ee loo adeegsaday  dilka Sheekh Maxamed Idirs oo kamid ah sheikh-yada Magaalada Mombasa ayaa la geeyay Maxkamadda,waxaana uu Max’ed Suudi Sheekh Idiris ka toogtay Lugta Bidix iyo qeybta kore ee Laf sakaarta,

Sheekh Maxamed Idiris ayaa saacado kadib ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya wuxuuna kamid ahaa culumaa’udiinka dalka Kenya ee sida weyn loogu yaqaanay Gudaha dalka Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here