Wararka ka imaanaya Deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada amisom ee ku sugan deegaankaas in ay dileen 4-ruux oo dad shacab ahaa xili ay kala dageen gaari kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho.
4-ta ruux ay dileen ciidamada Midowga Africa ee amisom ayaa la sheegay in ay kala ahayeen 2-ruux oo ganacsato ah, gabar 12-sano jir ah iyo ayeeyadey kuwaasi oo kusoo jeeday Gudaha Magaalada Muqdisho.
Qof ku sugan deegeenka Buulo mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho waxa uu u sheegay in ciidamada amisom ay dadkaan kala dageen gaari kusoo jeeday Magaalada Muqdisho isla markaana ay dileen 4-ta ruux.
Dhanka kale banaanxyo loogu soo horjeedo arinta ay ciidamada amisom sameeyeen ayaa haatan ka socda Gudaha deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose sida uu mar kale goob-joogaha u sheegay idaacada simba.
Halkaan ka Dhageyso Cododka

