Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo la hadlay Radio Simba ayaa waxaa uu ka hadlay halka ay ku dambeysay soo dhisidda xubnah golaha wasiirada Maamulka Jubbaland ee laga sugayo Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe .
Waxaa uu sheegay in waqtigii uu qabsaday Axmed Madoobe ay ka harsantahay wax ka yar 20 cisho islamarkaana ay xubnaha Baarlamaanku ay ka sugayaan Hogaamiyaha Jubbaland in uu soo dhiso wasiirro uu yeesho maamulka Jubba,islamarkaana uu wali socdo ololaha soo magacaabidda wasiirada balse ay soo dhaxgaleen dib u heshiisiin loo sameynayo beelaha wada daga gobolada Jubbaland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland waxaa uu sheegay in madaxweynaha ay ugu baaqayaan in talada iyo xubnaha wasiirada si isku mid ah looga qaybgaliyo dhammaan beelaha wada daga Gobolada uu ka arimiyo maamulka Jubbaland si buu yiri ay u yaraato in si qabqabsi uu ka dhashay xukuumadda uu madaxweynuhu soo dhisayo.
Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isagu horay uga Codsaday Baarlamaanka Jubba iyo guddoonkiisab in ay siiyaa muddo uu kusoo dhiso xubnaha ka mid noqonaya wasiirada Maamulka Jubbaland

