Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in laga bilaabo maanta tallaabo laga qaadayo askarta isku rasaaseeya deegaanada Gobolka Shabeelaha dhexe.
Abaanduulaha guutada 1-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Xuseen Cismaan Xeyle ayaa u sheegay Radio Simba in Ciidamada Dowladda laga mamnuucay in ay is qabqabsadaan oo ay dagaalamaan sida uu hadalka u yiri kadib markii muddooyinkaan ay isasoo tarayeen dagaalada dhaxmara ciidamada ka wada tirsan maamulka gobolka shabeelaha dhexe ee dowladda Soomaaliya.
Abaanduulaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in sharcigan ay so saareen uu saameynayo askari walba oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya eek u sugan gobolkaasi shabeelaha dhexe,ciddii ka dhaga adeygta ammarkan kasoo baxay taliska ciidanka xoogga ee shabeelaha dhexe atyuu sheegay in ciqaab adag la kulmidoonto.
Cor.Xeyle waxaa intaa raaciyey in sidoo kale la mamnuucay in askartu ay lacago baad ah ka qaadaan gobolkaasi shacabka ku nool,haddii ay dhacdan waxaa uu yiri waxaa masuuliyaddaasi qaadanaya taliyaha ay hoostagaan ciidanka qaladka sameeyey,isagoona sheegay in guud ahaan degmooyinka gobolkaasi ay maanta ka howlbilaabayaan ciidamo gaar ah oo loo diyaariyey in wax ka qabtaan askarta anshaxa xun eek u jira ciidanka dowladda sida uu yiri.

