Wararka hadda ka Imaanay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelah Hoose ayaa sheegaya in Maanta halkaa uu ka dhacay dagaallo u dhexeeya Beelo ka mida kuwa wada daga Magaaladaasi.
Waxaa lagusoo Waramayaa in dagaalku uu ku bilowday markii hore israsaaseyn dhaxmartay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyo hubaysan oo ku sugnaa xaafad ka mid ah Magaalada Marka,kaasi oo markii dambe isku badalay mid u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo daga Magaalada,waxaana uu dagaalku uu ku fiday xaafadaha Magaalada Marka ee xarunta Shabeelaha hoose.
Mid ka mid ah dadka ku nool Magaalada Marka ayaa u sheegtay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho in dagaalku uu yahay mid laysku adeegsanaayo hubka nuucyadiisa kala duwan,uuna geysty qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waloow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu le’egyahay qasaarahaasi.
Haweeneydaan la hadashay Idaacadda Simba waxaa ay intaa ku dartay in dagaalku uu wali ka socdo xaafado ka mida duleedka Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeelaha hoose.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixyaan dagaalkan ka socda Magaalada Marka.

