Hay’ada dambi barista ee dalka mareykanka ee FBI-da ayaa gacanta ku dhigtay muwaadin soomaaliyeed oo doonayey in uu u socdaalo dalka Syria ee bariga dhexe.
Muwaadinkaan ayaa ku biiri rabay kooxda islaamiga ah ee daacish sida xubno ka tirsan Hay’ada FBI-ada mareykanka ay u sheegeen warbaahinta.
Abdirahman Abdi Rashiid Bashiir oo 20 sano jir ahaa ayaa daganaa gobolka Minneapolis ee soomaalida ay ku badan tahay.
Cabdi raxmaan ayaa wararka qaar ay sheegayaan in la siidaayey maadaama ay damiinteen dad ku dhaw hay-ada dambi baarista mareykanka ee FBI-da.
Waxaa la sheegay in uusan dhameysan waxbarashada iskuulka oo hada uu wali cabdiraxmaan kuguda jiray waxbarashada.
Dhalinyaro badan oo soomaali ah ayaa ka tagay dalka mareykanka tan iyo sanadkii 2007-dii oo tira ahaan gaareysa 22 dhalinyaro soomaaliyeed oo ku biiray daacishka dalka Syria.

