Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo ka qeyb galay Sannad-guuradii 56-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku beegan 12-ka April, ayaa ugu baaqay waalidiinta dhashay carruurtii dhawaan lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Puntland iyo Galmudug in ay carruurtooda u muujiyaan jaceylka, naxariista iyo daryeelka waalidnimo ee ay xaqa u leeyihiin.
“Waalidiinta waxaan leeyahay cabsida iska daaya soo doonta wiilashiina, caruurtiina soo doonta u imaada, cunugii shalay lagaa xaday ama lagaa xoogay, maanta waa wiilkaagi Dowladaadi ayaa gacanta ku haysa u imoow, ayuu yiri madaxweyne xasan shiikh maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Hogaamiyaasha Xarakada al-shabaab aysan ka taxadareenin xaaladaha caruurta soomaliyeed wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha Soomaliya in aysan haatan meel ku ogeen caruurtaas kuwii geeyay xeebaha deeganada Maamulka Puntland Iyo galmudug.
Hadalka Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xili xeebaha deeganada Maamulka puntland uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay al-shabab iyo ciidanka Puntland waxaa xigay maalmo kadib dagaal ka dhacay Gobolka Mudug oo dhaxmaray al-shabaab iyo ciidanka Gamudug.

