Cabdi salaam hadliye cumar wasiirka arrimaha dibada ee dalka soomaaliya ayaa magaalada istanbuul kula kulmay wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Qatar iyo kyrgyzstan
Wasiirada oo la kulmay wasiir hadliye ayaa kala seikh Mohamed bin Abdulrahman al-Thani wasiirka arrimaha dibada ee Qatar iyo Erlan Abdildayev, oo ah isagana wasiirka arrimaha dibada ee dalka kyrgyzstan.
Wasiirka arrimaha dibada ee soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya shirka dalalka iskaashiga islaamka ee loo fadhiyo kiisii 13aad oo sanadkaan ka dhacaya magaalada Istanbul oo dalka turkiga.
Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galaya dalalka islaamka oo dhan waxaana looga hadlayaa colaadaha ka jira dalal ay ka mid yihiin soomaaliya Syria, Libiya, Yemen, Jammu iyo gobolka Kashmir .

